Dhageyso:-Dagaal ka socda Muqdisho iyo khasaaro ka dhashay

0
14

Dagaalkaan oo geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa waxaa uu ka socdaa deegaan ku yaalla duleedka degmada Deeyniile ee Magaalada Muqdisho,waxaana la sheegay in uu u dhaxeeyo Cidiamo kala taabcsan Guddoomiyaha degmada Deeyniile iyo Guddoomiyaha deegaanka Garasbaaleey.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in dagaalka uu ka bilaawday Bar-koontorool oo Ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka Garasbaaleey ku leeyihiin duleedka deegaanka Ceelasha Biyaha oo ay tageen Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada Deeyniile.

Qof kamid ah dadka deegaanka dagaalka uu ka socdo oo warbahinta la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalka labada dhinac ay ku geeriyoodeen saddex askari oo dhimasho ah iyo dhaawaca in ka badan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here