Dhageyso Dad Looga Shakiyey Covid-19 Oo La Dhigay Isbitaalka Baraawe

0
5

Agaasimaha isbitaalka Baraawe, Dr Cabdullaahi Cabdiraxmaan Nuuraane oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in isbitaalkaasi la dhigay dadka looga shakiyey Covid-19.

Dr Nuuraane oo aan shaacin tirada dadkaasi ayaa sheegay in lagu arkay calaamado u eg kuwa uu leeyahay cudurka faafa ee Coronavirus.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in hal qof oo ka mid ah bukaanada la jiifiyey isbitaalka uu saacadihii la soo dhaafay geeriyooday.

Agaasimaha isbitaalka weyn ee magaalada Baraawe ayaa sidoo kale baaq u diray wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed iyo mida dowladda Soomaaliya.

Halkaan hoose ka dhageyso codka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here