Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle ayaa ku dhawaaqay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota ee sanadka 2021.
Daahir Geelle oo magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika munaasabad soo dhaweyn ah loogu sameeyey ayaa sheegay in uu yahay siyaasi doonaya in uu hoggaamiyo Soomaaliya si bulshada Soomaaliyeed uga baxaan dhibaatooyin heysta.
“Waxaan ahay Nin siyaasi ah oo idin yimid,hadane musharax ah oo hoggaanka dalkaan hamiyey,wan ogahay Xildhibaano ma tihiin ee waxaad tihiin tayo Soomaaliyeed oo dibadda ku nool,waxaana rabaa inaan wax saxo oo sidii wax lagu sixi lahaa taladeeda aan idinla wadaago ayuu yiri”Musharax Daahir Geelle.
Daahir Geelle ayaa horey u soo noqday Safiirka Soomaaliya u fadhiya Sacuudi Carabiya ,waxaa sidoo kale uu lab jeer noqdey Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya,iyada oo sanadkii tegay ee 2019 uu iska casiley xilka Wasiirka Warfaafinta ee Xukuumadda RW Kheyre.
Dad badan ayaa aaminsan in Daahir Maxamuud Geelle uu yahay siyaasi culus oo saameyn leh,isla markaana loolan adag u geli kara Madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota sanadka 2021.