DHAGEYSO:-Cusmaan Nuur“Maamulka Jubbaland Kama Taliyo Gedo, DFS ayaa Maamusha

0
11

Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka taagnaa xiisado siyaasadeed taas oo u dhaxeysa Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda itoobiya iyo maamulka Jubbaland,iyo Ciidmadda kenya oo dhinac.

Ciidamada kenya ayaa maalmihii dambe waxa ay wadeyn dhaqdhaqaaqyo ciidan waxaana asbuucyo ka hor madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid aadan loo diidey inuu galo degmooyin kamid ah gobolkaasi.

Warqad kasoo baxdey Madaxweyne Ku-xigeenka 2-aad ayaa xilkii looga qaadey qaar kamid ah gudoomiyayaasha degmooyinka gobolka gedo sida gudomiyaasha luuq iyo baardheere iyo gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo.

Gudomiye ku-xigeenka gobolka gedo Cusmaan Nuur Xaaji ayaa ka horyimid warqadda kasoo baxdey Jubbaland.

Waxa uu sheegay in jubbaland,aysan xilka ka qaadi karin islamar ahaantaana aanba la aqoonsaneyn maamulkooda waxa uu tilmaamey in ciidmadda jubaland aysan soo galikarin degmooyinka gobolka gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here