Dhageyso:-Ciidanka Dowladda oo sameeyey howlgal Isbaaro qaadis ah

0
19

Kadib howgal qorsheeysan oo ay ciidamadda kumaandooska xoogga dalka danab kasameeyeen wadada, isku xirta degmooyinka afgooye iyo Walan-weeyn ee gobolka shabeelaha hoose ayay ku guuleeysteen inay qaadaan afar isbaaro oo maleeshiyooyin dhigteen wadadaasi.

Taliyaha guutada 7aad ee xoogga dalka danab Gaashaanle Dexe Cumar C/raxmaan Abuukar ayaa sheegay inay fuliyeen amarka Xeer ilaainta Maxkamadda Ciidamada kaas oo ahaa dagaalanka isbaarooyinka sharci darada ah ee gaadiidka dadweeynaha looga qaado lacagaha baada.

Taliyaha waxaa uu intaasi kudaray in haatan ay ku guuleysteen qaaditaanka isbaarooyinkaasi sharci darada ah,isaga oo digniin u direy maleeshiyadka isbaarooyinka dhigta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here