DHAGEYSO: Ciidanka DANAB oo bur buriyay saldhiguu ugu weynaa Shabaab ee J/Hoose

0
22

Xasan Maxamed Aadan Ciraaqi Taliyaha Ururka 5aad ee Ciidanka DANAB oo lahadlay Warbaahinta ayaa waxa uu sheegay in howlgal ay sameeyeen Ciidamada ay ku bur buriyeen Saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen gobolka jubbada Hoose.

Waxa uu sheegay Taliyaha in saldhigyada ay Ciidamadu bur buriyeen ay ahayeen ilaa sadDex saldhig hadana ay goObahaasi haysaan ciidamada danab ee xoogga dalka.

Waxa uu hadalkiisa intaasi ku darey in Saldhig yadaasi ay ku sugnaayeen Saraakiil Ajaanib iyo Soomaali isugu jiray kuwaas oo ay ciidamada xogtooda heleen sidaasna ay kuweerareen.

Ugu dambeyn Taliyaha ayaa sheegay Shacabka Reer jubbaland looga baahan yahay in Ciidamada ay ku taageraan howlgalada ay wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here