DHAGEYSO:-Ciidamo horudhac u ahaa socdaal Axmed Madoobe ku tegayo Dhoobley oo qarax lala beegsaday

0
23

Ciidamo ka tirsan kuwa maamulka Jubbaland oo shalay galab ka baxay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa waxaa qarax la beegsaday  dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Ciidamadan ayaa kusii jeeday degmada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose, balse Al-Shabaab ayaa qarax la beegsaday xilli ay marayeen duleedka degmada Qooqaani, waxaana la sheegay in qaraxaasi uu haleelay gaari Cabdi-bile ah oo ka mid ahaa kolanyada ciidamada Jubbaland.

Inta badan ciidankii saarnaa gaarigaas ayaa ku dhintay qaraxa, halka kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan maamulka Jubbaland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here