DHAGEYSO: Cabashada Cumar Filish Gudbiyey & Khilaafka Taliye Xijaar Udhaxeeya

0
4

Isagoo banaanbaxayaal careysan kula hadlayey Taalada Daljirka Dahsoon Ee Degmada Boondheere ayuu Duqa muqdisho waxa uu maanta sheegay inay ka xun yihiin dhibta lagala kulmay Bandowga Habeenkii Ee Caasimada Xamar lagu soo rogay.

Waxa uu Cumar Filish Sheegay inay si gaar ah ula xanuunsanayaan Ehelada Dadkii Xalay lagu dilay meel ku dhaw Isgoyska Jubba,kadib Askari katirsan Ciidamada Booliska oo dilkaasi ka dambeeyey hadana uu xiran yahay oo cadaalada la hor keeni doono.

Duqa Xamar waxa uu hoosta ka xariiqay inay si mas’uuliyad ku jirto u gudbin doonaan cabashada Shacabka Ee Xilliga Bandowga dareemayaan,islamarkaana shir deg deg ah ay Arintaas ka leeyihiin Laamaha amniga iyo Madaxda Dalka ugu sareysa ayna rajo ka qabaan in isbadel ku yimaado Bandowga Xilligiisa.

Sikastaba Dawlada Soomaaliya oo ku dedaaleysa xakameynta Cudurka Covid 19 ayaa soo rogtay Xanibaad xilliga Habeenkii ah oo ka bilaabaneysa 7 Fiidnimo kuna Eg 5:00 Aroornimo taas oo dad badan ay dhib weyn kala kulmeen,waxaana laga dhursugayaa go’aanka kasoo baxa Shirka Laga leeyahay Isbadelkaasi Bandowga lagu sameyn doono.

Tani waxay si shaacsan usoo bandhigeysaa Khilaafka ka dhex jira Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Filish.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO CODKA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here