DHAGEYSO: C/qaadir Shariif Sheekhunaa Oo Ku Digtay Lafta gareen & Cali Fiqi

0
37

Gudoomiyihii hore Ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxa uu ka hadlay munaasabadii xil wareejinta Maanta ka dhacday Baydhabo.

Waxa uu sheegay Shariif in isaga ay farxad u aheyd Xilka inuu ku wareejiyey Madaxweyne C/casiis Lafta gareen maadaama inta doorashada aysan dhicin uu xilka soo hayey.

Sidoo kale waxa uuu sheegay in maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka Labaad Ee Koonfur galbeed Cali Siciid Fiqi uu ku wareejiyey Xilka maadaama uu isaga guuleystay dhawaan doorashadii dhacday.

Dr Cali Siciid Fiqi waxa uu sheegay in ay Waaya aragnimadiisa marnaba ilaawi doonin oo ay la xiriiri doonaan Gudoomiye Shariif oo safar dalka dibadiisa ubaxaya Baydhabana laga sagootiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here