Dhageyso:-Booliska oo faah faahiyey dhacdo ka dhacdey duleedka Dhuusamareeb

0
5

Tuulada Jiic Caloosin oo u jirta 15km Deegaanka Bohol oo mid ah deegaannada hoostaga Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu arkay meydka Gabar yar oo da’ahaan lagu qiyaasey 11 Jir,iyada oo uu ka muuqdo jirdil xoogan,waxaana faah faahin ka bixiyey Taliska Booliska Dhuusamareeb.

Gabadhaan oo lagu Magacaabi jirey Ikraan Mire Xaashi ayaa waxaa la sheegay in jirdil xoogan ay u geysteen Hooyadeed iyo Nin qabey,waxaana Maanta lagu aasay Qabuuraha Millateriga ee Magaalada Dhuusamareeb.

Taliyaha Booliska Magalada Dhuusamareeb Dhamme Burhaan Axmed Rooble ayaa sheegay in meydka Gabadha laga soo qaadey deegaanka Bohol,isla markaana jirdil xoogan ay u eysteen Hooyadeed iyo Nin qabey,taasina ay sababtay in qeyb kamid ah jirkeeda uu go’o.

Waxaa uu sheegay in haata ay gacanta ku haayaan Hooyada dhashay iyo seeygeeda,kuwaas oo uu sheegay inay dhibaatada geysteen,waxaana uu sheegay in dadkaasi Cadaaladda ka horgeyn doono.

Hoos Ka Dhageyso Codka Taliyaha Booliska Dhuusamareeb.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here