Dhageyso:-Booliska Gobolka Bari oo bilaabey howlgallo qorsheysan

0
4

Taliska Qeybta Booliska Gobalka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ka bilaabeen howlgallo lagu xaqiijinaayo Guud Ahaan Amaanka Gobalka Bari.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud ayaa Bulshada Magalada Bosaaso uga Mahadceliyay sida ay ugala Shaqeeyaan laamaha Ammaanka Gobalka Bari gaar Ahaan sugida Ammaanka, Isaga oo ugu baaqay in xoojiyana la Shaqeynta Ciidamada.

Ciidamada howlgallada wada ayaa waxaa uu ku amrey inay gacan bir ah ku qabtaan dadka aan kamid aheyn Ciidamada Ammaanka ee howlgalka wada,isla markaana hubka ku dhex-qaata Gudaha Magaalada Boosaaso.

Ugu dambeyn waxaa uu Ciidamada ugu baaqay inay xoojiyaan xiriirka ay la leeyihiin Shacabka,sidoo kalena inta ay howlgallada wadaan Ciidamada ay ka hortagaan in Garoonka Diyaaradaha Boosaaso iyo dekadda aan laga soo dejin karin Dharka loo yaqaano (Huudheeyda) oo horay Puntland u mamnuucdey cabsi laga qabo Cuudrka Caronavirus.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here