Howlgal ay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka mudug ka sameyeen Ciidamada Ammaanka ayaa waxaa la sheegay inay gacanta ku dhigeen Jaakad qaraxyo ah oo lagu qarinayey meel kamid ah Koonfurt Magaaladaas.
Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Gaashaanle dhexe Qaasim Sheekhdoon Cali ayaa sheegay in jaakad iyo waxyaabaha qarxa iyo agabkii lagu qarxinayey ay kasoo qabteen guri ku yaalla Magaalada Gaalkacy oo lagu qarinayey.
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku darey taliyaha in qaar kamid ah Shacbaka ku nool Magaalada Gaalkacyo ay xogta lasoo wadaageen,sidaasina ay ku fuliyeen howlgalka ay kusoo qabteen waxyaabah qarxa.
Guddoomiyaha Gobolka Mudug ee Maamuka Galmudug Cabdiraxmaan Cali diiriye Isal ayaa uga mahad celiyey Ciidamada Booliska ee ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan wayaabaha qarxa, inkastoo aan la soo bandhigin dad loo soo qabtey qaraxyadaas.
Guddoomiyaha waxaa uu ugu baaqay Taliska ciidanka Booliska Soomaaliyeed inay Ciidamada ka howlgalla Magaalada Gaalkacyo ay ku taageeraan agabka wax lagu baaro iyo waxkasta oo u suurtagelin kara inay Ammaanka ka Shaqeeyaan.