Hogaankii hore ee Ahlusuna Waljameeca ee Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa daaha ka qaadey sababtii ka dambeysay in ciidanka Ahlusuna Waljmeeca ay farujiyaan degmooyin muhiim ah.
Shiikh Isxaaq Shiikh Mursal Xeefow oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Ahlusuna Waljameeca ayaa sheegay in Ahlusuna ay taageersan tahay Dowladda Soomaaliya,taasina ay tahay sababta keentay In ay isaga baxaan Degmooyinkii Gobolka Galgaduud.
Waxa uu sheegay Dowladda Iyo Ahlusuna ay ku heshiiyeen in uusan dagaal ka dhici Gobolka,taasina ay keentay in ay isaga baxaan Ahlusuna degmooyinkii Dhuusamareeb, Guriceel iyo Matabaan