Aaba Aweys Maxamed Diinle oo ah Aabaha Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa Darawalada mooto Bajaajka,kaas oo Askari ka tirsan Ciidanka dowladda uu ku dilay Magalada muqdisho ayaa walaac ka muujiyey in uu Cadaalad u helo dilkii loo geystay Wiilkiisa.
Waxa uu sheegay in Wiillkiisa uu nolol maalmeedka u soo dhicin jiray Qoys farabadan,isla markaana markii la dilay ilaa iyo hadda aysan dowladda xataa uga tacsiyadeyn, taasina ay walwal kale kusii abuurtay.
“Wiilkeyga Dhalinyaro ayuu ahaa nolosheyda ayuu qeyb ka ahaa,mootada ayuu noogu soo xamaali jiray oo aan deyn kusoo qaaday,waxana maqlay in Askariga dilay Wiilkeyga in uu Madaxtooyada ku jiro,waxaana ka codsanayaa Madaxda Dowladda in Cadaaladda la marsiiyo ayuu yiri Aaba Aweys Maxamed Diinle.
Labadii sano ee la soo dhaafay ayaa waxaa Magalada Muqdisho aad ugu soo batay dilalka loo geysanayo Darawalada mooto Bajaajta,waxaana wlei jirin cid ay dowladda Maxkamad u soo taagtay dilalkaas.