DF oo maamuladda Jubbaland Iyo PuntLand Ku Eedeysay Inay Fursad Siinayaan Qulqulatooyin Hubeysan

0
21

Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa khudbad uu uga hadlay Doorashada Soomaaliya iyo xaaladda dalka ka jeediyay kulankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ka yeesheen Somalia.

Wasiir Maxamed ayaa sheegay in Madaxda dowladda Federaalka ee muddo xileedkoodu dhammaaday ay tanaasul badan ka sameeyen khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada, isla markaana ay weli jiraan caqabado kale oo taagan.

Waxaa oo uu sheegay Wasiir Maxamed Cabdirisaaq in la qabtay shirar kala duwan oo looga hadlaayay arrimaha khilaafka uu ka jiro iyo sidii loo fulin lahaa heshiiskii laga gaaray doorashada 17-kii bishii September oo haatan caqabad badan hor taagan yihiin.

Madaxda dowlad Goboleedyada Jubbaland iyo Puntland ayuu Wasiirka ku eedeeyay inay caqabad ku yihiin fulinta heshiiskii la gaaray, isla markaana ay kasoo jawaabi waayeen Shirkii uu ku baaqay Madaxweye Farmaajo ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Isaga oo sii hadlaayay Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda ayaa waxaa uu tilmaamay in Dowladda ay diyaar u tahay dhameystirka iyo in qaliinka lagu duugo heshiiskii Guddiyada Farsamada ku gaareen Magaalada Baydhabo.

Dani iyo Madoobe ayuu ku eedeeyay inay fursad siinayaan wax uu ugu yeeray  qulqulatooyin hubeysan oo lagu hoos qarinayo banaanbax nabadeed, waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay oggoshahay banaaanbax nabadgelyo iyo in dadka Soomaaliyeed cabiraan rabitaankooda, balse aan marna la aqbali doonin in meel looga dhaco Amniga Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here