DF OO DHALIIL LAMA FILAAN AH KALA KULANTEY MADASHA ISKAASHIGA CAALAMIGA AH MUQDISHO KASOCONAYA

0
54

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdsho waxaa maan si rasmi ah uga furmay shirka iskaashiga caalamiga ah oo ay qeyb gali ilaa 50 dowladood oo daneeya arrimaha dalaka Soomaalia.

Ra’iisalwasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa shirka furay, waxaana la tilmaamayaa in looga hadlayo dhowr arrin oo ay mid yihiin Amniga, Dhaqaalaha, arrimaha bulshada,Siyaasadda iyo waliba Cadaaladda waxuuna yahay shiorka shirka mid soconaya muddo laba maalinah,

Waxaa la tilmaayaa in dowladda federaalka ah ajandayaasha shirka looga hadlayo ku dhawaad sedex sano oo ay heeysay xilka aan wax muuqdo aan wali laga qaban waqtiga oo yar iyo waxa dhimanna aysan suuroobeynin in ay qabsoomaan.

Dowladda ayaa Amniga heerkii loo baahnaa uusan gaarin wali ayadoo dowladdu ay soo gaban gabeysay wajigii kowaad ee diiwaan galinta ciidamada xooga iyo mushaar bixintooda,lakiin waxaa la leeyahay tayeenta ciidanka kororsiimadooda iyo isku dhafka ciidanka lagu waday inay gaaraan 18, halka Booliska lagu waday ilaa 32, kuwaas oo ku guuleysta xoreyta dalka iyo nabad ku soo dabaalistiisa wali wax muuqdo lagama qaban.

Dowladda federaalaka ah ayaan sidoo kale wax muuqata ka qaban siyaasadda maadaama aan wali la dhameys tirin qabyo uu yahay dastuurka, sharciga doorashooyinka labadaas oo sal u ah dowladnimada.sidoo klae xukuumadda ayaa faragalisay awooddii baarlamanka kana dhigtay inuu shaqadiisii uu gabo.

Dowladda ayaa la leeyahay labo sano iyo bar ay talineysay dhaqaalaha ayaa maraya halkii ugu hooseysay waxaana hoos u dhacay kobaca dhaqaalaha.

Arrimaha Banii’aadnimada, ayaa maraya xaalad adag abaar ayaana ka jirta gobalada qaar haba ugu darnaadaan Gedo iyo Hiiraan. waxaana aad aad u yar wada shaqeynta ka dhaxeysa dowladda federaalka ah iyo hey’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya samafalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here