Fashilkii shirkii garoowe kadib waxaa magaalada garoowe loogu dhawaaqey isbaheysi ay dabada kariixeysey dowlada federalka soomaaliya, kaas oo ujeedkiisa ugu weyn ahaa in lagula dagaalo Galmudug iyo Jubaland.
Madaxweynaha maamulka puntland Mudane Saciid Cabdullahi Deni ayaa waxaa dowlada ku qancisey in saaxiibadiisa isaga soo haro dowlada federalkana uu lashaqeeyo ayadoo dowladana taas bedel keeda xil iyo lacag siindoonto.
Waxaa loo fuliyey qaar kamid ah balanqaadyadii, balse waxaa lagu soo waramayaa in dowlada federalka xubnaha heshiiska la ah ee maamul goboleedyada canshuurta aysan qaadan doonin, oo federalka canshuuraadka qaadi doonto, dhamaan maamulada Hirshabeelle, KGS iyo Puntland arintaas oo markii hore loo sheegin Deni , ayaa markii uu ku baraarugey waxaa uu kasoo horjeestey dhammaan qodobadii lagu hishiiyey isagoona lasheegey in qadka telefoonka kula xiriirey saaxiibadiisi hore Jubaland iyo Galmududg.
Ilo kudhow madaxtooyada Puntaland ayaa sheegaya in maamulka hirshabeelle iyo koonfur galbeed shir hoose layeelan doono madaxweynaha Puntland taas oo lagayaabo in uu ku qanciyo in ay isku mowqif ka noqodaan hanaanka canshuuraha oo markii hore aad loo soo hadal qaadin.
Waa siyaasad cusub oo kusoo biiri doonta suuqa siyaasada soomaaliya hadii saciid Deni ku qanciyo Laftagareen in dowlada ay kasoo wada hort jeestaan si ay u difaacdaan xaquuqdooda dastuuriga ah.
Dhanka kale hogaamiyaha puntalnd ayaa shirkii garoowe fishilkiisa ku eedeyey dowlada soomaaliya isagoona sheegey in dowlada qodobadii lagu heestey dhammaantood ay ka gaabsadeen walow war ay heshey warbaahinta madax banaan ay sheegayaan in fashilka isla madaxweyne dani kadanbeeyey.
Masuuliyiinta soomaaliyeed ayaa waxaa waayahan danbe lagu eedeynayaa in aysan kushaqeyn maslaxada guud ee dalka iyo dadka ay xilka u haayaan balse keliya ay ilaashadaan masaalix dooda gaarka ah.