DEGDEG: wasiirka Amniga soomaaliya oo kulan laqaatey James swan

0
19

Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka,” ayuu ku yiri qoraal uu Wasiirka soo dhigay bartiisa Facebooka.

Somalia ayaa waxaa ku soo fool leh doorashooyin aan weli la ogeyn nooca ay yihiin, maadaama uu gebogebo ka yahay muddo xileedkii afarta sano ahaa ee madaxda DF ee haatan heysa talada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here