DEG DEG:-Qarax Goor Dhow Ka Dhacay Degmada Afgooye

0
61

Wararka naga soo gaaraya Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in Goordhow qarax xoogan halkaasi uu ka dhacay.

Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in uu ahaa Miino nooca dhulka lagu aaso,isla markaana waxaa lala eegtay Kolonyo ay la socdeen Ciidamada AMISOM,kuwaasi oo marayay wada aada dhinaca Magaalada Marka gaar ahaan agagaarka Xarunta Jaamacada Job-key.

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay Warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa u sheegay in qaraxa kadib la maqlay rasaas xoogan oo ay rideen Ciidanka dowladda.

Ilaa iyo hada si dhab ah looga oga Khasaaraha ka dhashay qaraxaas ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here