DEG DEG: Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay guri kusoo dumay Shaqaalle

0
12

Wararka naga soo gaaraya Isgoyska Banaadir ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay guri ku dumay Shaqaalle ka howlgalayay.

Gurigaan oo ka mid ah Guryihii hore ayaa la sheegay in shaqaallaha ay doonayaan in ay dumiyaan si loo dhiso, waxaana la sheegay in uu hal mar kusoo dumay.

Laba qof ayaa ku geeriyooday Saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Gaadiidka gurmadka deg deg ah ayaa gaaray goobta, waxaana ay halkaasi kasoo qaadeen dhaawacyadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here