Duqeymo iyo dagaalo toos ah oo lagu beegsanayo Dagaal yahanada alshabaab oo kadhacey Gobolada Jubooyinka iyo Shabeelaha Hoose.
Magaalooyinka Jilib, Bu’aale, Jamaame iyo Kuuya Barow oo ka kala tirsan Jubooyinka Iyo Shabeelaha Hoose ayaa caawa mar qura marta Geliyey duqeymo iyo Dagaalo foolka fool ah sida ay sheegeen saraakiil katirsan wardoonka Soomaaliya.
Degmada Jilib ayaa lagu soo waramayaa in laduqeeyey Xaruun lagu keydiyo Hubka culus ee Alshabaab isticmaasho waxaana la xaqiijiyey in uu ku dhintey, Amiir uu Abti u ahaa Abuu Cubayda Hogaamiya alshabaab, waxaana lasheegey in Gebi ahaamba Gubatey Xaruunta laduqeyey.
Qaraxyo waaweyn ayaa laga maqlayey kaas oo u muuqdey in uu qaraxayey hubka halkaasi yaaley.
Degmada Bu’aale ayaa lasheegey iyaduna in la duqeeyey kolayo ciidan oo kasii baxayey Degmadaasi kuwaasi oo watey kudhawaad 28 Gaari oo kuwa Dagaalka ah, waxaana goob joogayaal kusugan degmada sheegeen in magaalada oo dhan wada hilaacdey duqeyntuna socotey kudhowaad 7 daqiiqo oo xiriir ah.
Degmada Bu’aale ayaa lajarey korantada waxaana magaalada ka taagan buuq iyo jahwareer, ayado cisbitaalka Bu”aale durba lawareegeen Ururka alshabaab.
Dhinaca kale Degmada Jamaame ayaa marti gelisey duqeynta 3aad waxaana lagu soo waramayaa in lala beegsadey Xaruuntii Ciidamada ilaalada Jubada Hoose ugu weyneyd, kuwaas oo lasheegey in ay isku diyaarinayeen in ay weerer ku qaadaan Deegaanka Baar Sanguun oo 50 km ujira Kismaayo caasimada kmg Jubaland.
Geesta kale Salagle ayaa caawa ka dhacey dagaal foolka fool ah, kadib markii ciidamo huwan ah ay weerer ku e keeyeen magaaladaasi, ciidanka ayaa lasheegey in ay kasoo daateen labo diyaaradood nooca qumaatiga u kaca ee loo yaqaano Helecopter ka.
Dagaalka ayaa socodey qadar 20 daqiiqo ah sida ay noo sheegeen saarkiil katirsan wardoonka soomaaliya.
Ugu danbeyn Deegaanka Kunyabarow oo dhaca Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa lagu soo waramayaa in caawa duqeyn diyaaradeed lagu diley Amiir sare oo katirsan Hogaanka Caafimaadka Alshabaab.
Waxaa aad u adan in la ogaada qasaaraha dhabta ah ee hakaasi kadhcey xilaga oo habeen eheed awgeeda.
Diyaaradaha reer Galbeedka ayaa la aamin sanyahay in ay Gacan weyn Kageysteen Howl galkan.
Wixii kusoo kordha dib ayaan idinkaga soo gudbin doonaa goordhow.