(Deg Deg) Dagaal xoog leh oo markale ka bilowday degmada Doolow

0
38

Waxaa goor dhaweyd dagaal xoog leh oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan uu ka bilowday magaalada Doolow ee gobolka Gedo.

Dagaalka ayaa u dhexeeya ciidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka ah, kuwaaso isku hayo afar ka mid ah ciidamada Muqdisho laga keenay oo ay xireen ciidanka Booliska degmada Doolow laba habeen ka hor kaddib markii lagu qabtay gudaha magaalada Doolow iyagoo saqraan ah isla markaana ku hubeysan bistoolado iyo qoriga AK-47.

Ciidamada laga keenay Muqdisho ayaa isku dayay in ay si xoog ah ugala soo baxaan saldhigga booliiska taasoo ka dhalatay in ciidamada degaanka ee booliska & milateriga iyo kuwa laga keenay Muqdisho ay ku dagaalamaan gudaha magaalada iyagoo isku adeegsanaya hubka noocyadiisa kala duwan sida uu goob jooge u sheegay Tebiyenews.

Ilaa afar meyd ah ayaa lagu arkay halka uu dagaalka ka socda, waxaana afar askari laga dilay ciidamada laga keenay Muqdisho sida loo xaqiijiyay Tebiyenews.

Dib ayaan idinkala socodsiin doonaa wixii soo kordha

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here