DEG DEG: Dagaal Hadda Ka Socda Gobolka Shabellaha Dhexe & Faah faahin

0
14

Dagaal xooggan ayaa waxaa uu illaa saaka ka socdaa deegaanka Filla dheere oo ku yaalla nawaaxiga Degmada Warsheekh Ee Gobolka Shabellaha Dhexe.

Deegaanka uu dagaalka ka socdo qiyaas ahaan u jira illaa 13 KM.

Dagaalka ayaa uu dhexeeyaa Laba beelood oo walaalo ah iskuna haysta dhul, waxaana sida ay sheegen dadka deegaanka uu socdaa ku dhowaad 12 maalmood.

Hadda ayuu markale dagaalka dib ugu qarxay Tuulada filla dheere, waxaana maanta ku dhinty 4 qof oo kalaa ahaa dhinacyadii dagaallamayay.

Ilaa hadda ma jirto war kasoo baxay Maamulka Gobolka Shabellaha Dhexe oo looga hadlayo dagaalkaasi ka socdo Degmada Warsheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here