Dableey Hubeysan ayaa Abaare 10:00 Barqanimo waxay toogasho ka fuliyeen Degmada Yaaqshiid gaar ahaan Suuq Bacaad iyagoo kadib baxaday.
Labo qof oo midkood Ugaas ahaa ayaana lagu khaarajiyey Meel kudhaw Rugsan Mall Oo Suuq Bacaad ku taalla,waxaana muddo Xaaladu aheyd mid cakiran.
Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ugaas Xuseen Maxamed Daa’uud iyadoo Askari Ilaalo u ahaa lala toogtay.
Ma jirto cid faah faahin ka bixisey Dilkaan iyadoo Ciidamada Amniga ay baaritaano ka wadaan goobta toogashada ka dhacday.
Warar aan helnay ayaa sheegaya in dilkaan uu salka ku haya Fal la xiriira Aano Qabiil oo in muddo ah Beelaha Deegaanada Wuqooyi qaar is hayeen.