DAGAAL QARAAR OO KADHACEY DULEEDKA XUDUR IYO CIIDANKA ABUU MANSUUR OO KA QEYB GALEY.

0
50

XUDUR(TEBIYENEWS)-Wararka ka imaanaya Deegaanka Mooragaabey oo 30KM dhanka waqooyi kaga beegan magaalada xudur ayaa sheegaya in lasoo afjarey dagaal mudo 3 maalin ah kasocodey halkaasi.

Dagaalka ayaa lasheegey in uu qarxey maalintii jimcaha kadib markii ciidamada dowlada federalka soomaaliya iyo alshabaab isku farasaareen halkaasi.

Dagaalka ayaa lasheegey in uu ku bilwdey weerar ciidamada dowlada ay ku qaadeen fadhiisimo alshabaab ay ku lahaayeen halkaasi.

Ciidamada Roobow ayaa lasheegey in ay ku biireen dagaalka habeenkii xaley ahaa ayagoona lasheegey in durba ay soo af jareen dagaalka.

Saraakiil katirsan ciidanka xoogga oo ku sugan Xudur ayaa inoo xaqiijyey geerida 5 askari oo uu kubjiro sarakaal lagu magacaabo shariif kuwaas oo ku geeriyoodey dagaalka.

Dhanka kale Alshabaab ayaa lasheegey in ay ka carareen labo meyd iyo hal dhaawac ah ayadoona aan la ogeen qasaaraha rasmiga ah ee soo gaarey walow goobta dagaalka hada ku sugan yihiin ciidanka xoogga dalka iyo Meleeshida Muqtaar Roobow

Xaruumaha caafimaadka magaalada Xudur ayaa waxaa lasoo gaarsiiyey dad Rayid ah oo waxyeelo kasoo gaartey Dagaalkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here