Dagaal markale ka dhacay duleedka Kismaayo & Khasaaro ka dhashay

0
14

Ugu yaraan 17 qof ayaa ku dhimatay dagaal markale ka dhacay duleedka galbeed ee magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose,sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Taliyaha Guud ee Ciidamada  Jubbaland Aadan Maxamuud Ibraahim (Aadan Koojaar) ayaa sheegay in dagaalka uu yahay mid soo laab laabtey,hayeeshee ay wadaan qorsho ay ku doonayaan in lagu joojiyo.

Dagaalka ayaa u dhexeeya maleeshiyo beeleedyo ku sugan halkaas, Inkasta oo ay odayaasha iyo culimada deegaanka ayaa wadaan dadaallo lagu doonayo in lagu soo afjaro dagaalka.

Dagaallada u dhexeeya maleeshiyo beeledyada ee ka dhacaya duleedka Kismaayo ayaa soo noqnoqday dhawrkii bilood ee la soo dhaafay, waxana horey u guuldareystay dhawr heshiis oo dhinacyada is haya la dhex dhigay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here