Dagaal ka dhacay Gobolka Shabeellaha Hoose

0
54

Dagaaalkaan oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa deegaanka lambar 60 ee Gobolka Shabeellaha hoose uu ku dhex-maray Xubno ka tirsan dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan AMISOM.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Xero ay Ciidamada AMISOM ku leeyihiin degaanka lambar 60, waxaana la sheegay in dagaal socday in ku dhow saacad uu halkaas ka dhacay.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen inay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku daeegsanayeen labada dhinac ee wada dagaalamay,hayeeshee aysan sirasmi ah u cadeyn karin khasaaraha labada dhnac kasoo gaaray dagaalka.

Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose iyo Al-Shabaab weli kama hadlin dagaalka ka dhacay deegaanka lambar 60 ee Gobolkaasi Shabeellaha Hoose.

Dagaalka Ciidamada AMISOM iyo Al-Shababa ku dhex-maray deegaano ka tirsan Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli Taliska Ciidanka xoogga dalka ay sheegeen in howlgal laga fuliyay inta u dhaxeysa deegaanka Janaale iyo degmada Qoryooley ay ku dileen saraakiil ka tirsanaa Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here