Dagaal dhex-maray Ciidamo ka wada tirsan Puntland

0
6

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaal Ciidamo ka wada tirsan kuwa dowlad Goboleedka Puntland ku dhexmaray Gudaha Garoonka Diyaaradaha Degmada Badhan ee Gobolka Sanaag.

Dagaalka ayaa waxaa uu u dhaxeeyay Ciidamo ilaalo u ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ee ku sugan Garoonka Badhan iyo Taliyaha Turobataariyada Gobolka Sanaag Col. Cintile.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalkaas uu ku geeriyooday askari kamid ahaa ilaalada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo lagu magacaabi jiray Maxamuud Maxamed Saalax Shire (Libaaxo) halka laba askari oo kale ay ku dhaawacmeen.

Goob joogayaal ku sugan Magaalada  Badhan ayaa ku soo warramaya inay ka warheleen marqura dagaalka dhexmaray labada Ciidan oo ka dhacay Gudaha Garoonka Doyaaradaha, in kastoo markii dambe lagu guuleystay in la kala qaado Ciidamadii dagaalamay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil iyo Saraakiisha Ciidamada Puntland weli kama hadlin dagaalka labada Ciidan Maanta ku dhexmaray Gudaha Garoonka Diyaaradaha  Magaalada Badhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here