Dagaal culus oo ka dhacay degmada Qoryooley ee Sh/Hoose

0
14

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxsyaan dagaal culus oo xalay degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeellaha Hoose ku dhex-maray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid,kadib markii Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhiga Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaana dadka degmada Qoryooleey ay sheegeen in uu halkaasi ka dhacay dagaal socday in ka badan saacad,kaas oo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay maadaama ay aheyd xilli habeen ah.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Dowladda ayaa waxaa ay sheegeen inay iska difaaceen weerarka ay Al-Shabaab kusoo qaadeen Saldhiga Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM,isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen sida ay hadalka u dhigeen.

Dhinaca kale dadka degmada Qoryooleey ayaa waxaa ay sheegeen in inta uu dagaalka socday ay Ciidamada AMISOM ay rideen tiro madaafiic ah oo aan weli la shaacin khasaaro kasoo gaaray dadka Shacabka ah.

Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa Saldhigyo waaweyn ku leh Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab,waxaana wararka naga soo gaaraya degmada Qoryooleey ay sheegayaan in xaaladu ay tahay mid degan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here