Dagaal caawa ka dhacay Magaalada Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

0
11

Dagaal la sheegay inuu ka dhashay Qaadka sida qarsoodiga ku soo gala Muqdisho oo Caawa ka dhacay Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyay ciidamo ka tirsan Maaulka degmada Kaaraan iyo ciidamo kale, iyadoo dagaalka xoogiisa uu ka dhacay wadada mariino oo ka tirsan degmada Kaaraan una dhaw Hoyga Senotar Muuse Suudi Yalaxow.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada maamulka degmada ay weerareen ciidamo ka tirsan Dowladda oo qaybsanayay qaad si qarsoodi ah Magaalada ku soo galay, iyagoo isku dayay iney ka qaataan qaadka sida dadka degaanku sheegeen.

Rasaas xoogan oo ay isweydaarsadeen labada dhinac ayaa laga maqlay degmada Kaaraan iyo degmooyinka la deriska ah sida Shibis, Yaaqshiid & C/casiis.

Weli lama oga Khasaaraha ka dhashay dagaalka maadaama xiliga ay habeen aheyd maamulka degmada Kaaraana kama hadlin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here