Dab Xoogan Oo Ka Kacay Kaalin Shidaal Oo Ku Taalla Muqdisho

0
36

Waxaa Goordhow dab xoogan uu ka kacay Kaalin lagu iibiyo shidaalka oo ku taalla Magaalada Muqdisho gaar ahaan Isgoyska Blacksea ee Degmada Hodan.

Dad goobjoogaal ah ayaa soo sheegaya in dabka ka kacay kaalinta Shidaal uu yahay mid xoogan, isla markaana uu ku sii faafayo goobo kale oo ganacsi ah oo ku dhow goobta gabaneysa.

Sidoo kale goobta uu ka socdo dabka ayaa waxaa si deg deg ah u gaaray gaadiidka dab demiska maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkadda Hormuud, waxaana socda gurmad lagu deminayo dabkaas.

Wararka ayaab intaas kusii daraya in dabkaas uu geystay Khasaaro hantiyadeed, waxaana qeybo kamid ah Magaalada laga arkayaa uuro madow oo cirka isku shareertay, taasi oo ka baxeysa goobta dabka ka socdo.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Soomaaliya ayaa ku sugan halkaas, iyagoona sugaya amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here