DAAWO XISBIGA AMNI IYO CADAALAD OO MAANTA XAFLAD DHOOLA TUS AH SAMEEYAY

0
110

Kulan lagu dalbanayo in la sii daayo Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ka dhacay

Maanta oo ay Taariikhdu tahay 09/11/2019 ayaa Xisbiga Amni iyo Cadaalad ee uu hogaamiyo hogaamiyaha Ruuxiga Mukhtaar Roobow isugu yimid kullan isugu jiro Baroor-diiq , Duco iyo Cadaalad u raadin Xasuuqii iyo Qafaalkii ka dhacay Magaalada Baydhabo Sanadkii hore 13/12/2018 kullanka ayaa waxaa ka soo qeeyb galay Masuuliyiinta Xisbiga , Taageerayaasha Xisbiga iyo Marti sharaf kale intii uu kullanka socday waxaa si kulul oo isugu mid ah ay ugu hadleeyn dhamaan Masuuliyiintii goobta ka hadashay ayaa si wadajir ah u Dhaleeceeyay Xasuuqii Maatidii Baydhabo iyo Afduubkii Hogaamiyaha Xisbiga Mukhtaar Roobow waxeeyna Ugu Baaqeeyn Dowlada Federaalka , Golaha Amaanka iyo Dhamaan Heey’adaha Xuquuqul Insaanka iyagoo ka dalbaday in ay si deg-deg ay Cadaalad u helaan kuwii ka danbeeyayne sidaasi oo kale in loo horkeeno Cadaalada

Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka dhacay kulan lagu dalbanayey in lasii daayo Guddomiyaha Xisbiga Amni iyo Cadaalad Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo xiran Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulankaas ayaa loogu duceeyey dadkii ku dhintay banaanbaxyadii ka dhacay Baydhabo waqtigii ay Dowladda xireysay Mukhtaar Roobow.

Haddaba halkaan hoose ka akhriso war murtiyeedkii laga soo saaray kulankaas

WAR SAXAAFADEED

Kulan Ballaaran oo duco wadareed loogu sameynaayey dadkii ku waxyeeloobey dhibaatadii ka dhacdey magaalada Baydhabo sanadkii lasoo dhaafey ayaa  ka dhacdey magaalooyinka Baydabo iyo Muqdisho.

Kulamadan waxaa soo qaban qaabiyey xisbiga Amni iyo Cadaalad waxaana ujeedkiisu ahaa in loogu duceeyo dadkii lagu diley magaalada Baydhabo 13kii Bishii December ee sanadkii lasoo dhaafey.

Caruur, Dad shacab ah iyo mas’uuliyiin ayaa kamid ahaa dadkii lagu diley dibad bax nabadeed oo kadhacey magaalada Baydhabo xilli ay muujinayeen dareenkooda kadib markii si sharci daro ah loogu afduubtey Hogaamiyihii shacabka koonfur galbeed oo ahaa musharaxa shacabka Koonfur galbeed.

Kasoo qeyb galayaasha kulankan ayaa ugu duceeyey dhamaan dhibanayaashii ku waxyeeloobey Xasuuqii kadhacey Baydhabo, waxeyna ilaahey uga baryeen dadkii dhintey in uu unaxariisto kuwa ku dhaawacmeyna caafiimaad siiyo kuwa ku hanta beeleyna bedel kheyr leh siiyo.

Ducada kadib kasoo qeyb galayaasha waxey  si siman u cabaareeyeen dhibaatada loo geysanaayo muwaadiniinta Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo in dowlada Federalka Soomaaliya wali si awood sheegasho ah ugu xiran yahay hogaamiyaha xisbiga Amni iyo Cadalaad Sheekh Mukhtaar Roobow Cali.

Xisbiga wuxuu xasuusinayaa Madaxda Dowlada Federalka ah in ay wax ku yihiin Dastuurka dalka ayna waajib tahay in ay ilaaliyaan.

Dastuurka Jamhuuriyada Federalka Soomaaliyeed wuxuu siinayaa muwaadin kasta xaq siman oo ah in uu wax doorto lana doorto hadii aaney xukumin maxkamad.

Madaxda Dowlad Federalka Soomaaliya Musharax Sheekh Mukhtaar waxey u xirteen nagu siyaasad mahan taas oo muujineysa in Dastuurkii dalka iyo shuruucda kale ee dalku Xukuumada maanta Jirta ku ilaashaneyso Danaheeda gaarka ah, arintaas oo marka danbe horseedi doonta in shacabka soomaaliyeed ay ka aamin baxaan madaxda Dalka una arkaan in Dastuurka u adeego kolba shaqsiga xukunka heesta.

Digniin

Hadii madaxda Qaranka ay ixtiraami waayaan Dastuurka ay wax ku yihiin waxey dhaawac ku noqon doontaa midnimada soomaaliyeed ,Waxeyna mugdi gelin doontaa soomaalinmada iyo in la is aamnino.

Madaxda Dowlada Federelka waa iney ogaadaan xilka in uu meerto yahay laguna xisaabin doono maalin ay noqotaba qofkii ku xad gudba.

Baaq

Waxaan ugu baaqeynaa Madaxda Dowalada Federalka Soomaaliyeed in si deg deg ah xoriyadiisa u siiyaan musharax Sheekh Mukhtar  raali gelin buuxdana ka bixiyaan xadgudubkii ay ku sameeyeen shacabka koonfur galbeed.

Waxaan sidoo kale ugu baaqeynaa madaxda Federalka in aysan burburin rajada umada soomaaliyeed ayna kashaqeeyaan Nabada iyo Midnimada ummada soomaaliyeed

Ugu danbeyn waxaan rajeyneynaa in Madaxda Dowlada, shacabka ku dhegeystaan dhego wax maqala

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here