Daawo Wabiga Shabeelle oo ku fatahay degaano ka tirsan Shabeellaha Hoose

0
30

Saacadihii la soo dhaafay ayaa Wabiga Shabeelle waxaa uu fataahad ka geystayXaafado ka tirsan degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose iyo degaano hoostaga,waxaana uu sababay khasaaro kala duwan.

Wabiga ayaa waxaa uu ku fatahay xaafado ka tirsan degmada Afgooye iyo tuulooyin ku dhow dhow,waxaana sawiro laga soo qaaday degmada Afgooye la arkayay Xaafado kamid ah degmadaasi oo ay biyo dhex yaallaan,sida Xaafada Eytaro oo ku dhow Buundada degmada Afgooye, Xaafada Siigaale iyo Xaafado kale.

Tuulooyinka uu Wabiga ku fatahay ayaa waxaa kamid ah,Jambaluul, Basro, Baqdaad, Sagaaladaad gaalwuri iyo Sabiid iyo Caanoole,waxaana sidoo kale xirmay oo meel loo maro la la’yahay Masaajidka weyn ee Isbaheysiga ee degmada Afgooye iyo Isbitaalka degmadaas.

Fatahaada Wabiga uu ka sameeyay degmada Afgooye iyo tuulooyinka hoostaga ayaa waxaa uu sababay inay baaba’aan dalagyo dhowr ah oo ku tacbanaa beeraha sidoo kale inay barakacaan qaar kamid ah dadka ku nool degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in dadka ku nool degmada Afgooye ee uu saameeyay fataahada wabiga ay gurmad eg deg ah gaarsiin doonaan,sidoo kale ay qaadi doonaan tallaabo looga hortagayo fatahaado horleh.

Xaalada dhabta ah ee Magaalada Afgooye ay ku sugantahayMagaalada Afgooye ee Gobalka Shabeelaha Hoose waa Magaalada ugu Canshuur bixinta badan marka loo fiiriyo magaalooyinka Maamulka JBM canshuurta kaqaado, hadana xaaladeeda waa sidaan aad muuqaalka hoose ka aragtaan oo inbadan oo kamid ah Bulshadii Magaalada ku nooleyd ayaa Barakacdey kadib markii Biyaha Webiga Shabeele soo galeen qaar kamid ah Xaafadaha Degmada iyo Deegaano badan oo degmada hoos yimaaadoDadaka maamulaka sheeganaayo oo imaanka ka tagay waa inay dib ugu celiyaan canshuurtii ay degmada ka qaadeen oo shacabkaas la gubadabaadiyaaa.Jaribka heysta Shacabka Gobalka Shabeelaha Hoose iyo Jiifka Maamulka ku magacaaban Gobalka Shabeelaha Hoose Allow Shacabkeena ka samatabixi aamiin yaa Allah.

Geplaatst door Mohamed wadani op Vrijdag 17 juli 2020

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here