(Daawo Video qof goob jooga ah uu noo soo diray)Qarax Culus oo Goor dhow ka dhacay Gudaha Hotelka SYL

0
61

Qarax Culus oo Goor dhow ka dhacay Gudaha Hotelka SYL xilli Ciidamada dawladda ay weli la dagaalamaya Dableyda Alshabaab… (Daawo Video qof goob jooga ah uu noo soo diray)

Muqdisho Qarax weyn ayaa goor dhow ka dhacay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho, halkaasoo ay caawa weerar u qaadeen, gudaha u galeen dabley ka tirsan Alshabaab.

Qaraxa oo ahaa kii ugu weynaa ee ka dhaca Hotelka inta uu weerarku socday muddo 3 saacadood ah ayaa la filayaa inuu yahay mid ka mida maleeshiyada Alshabaab oo is qarxiyey xilli ay dagaal kula jireen ciidamada dowladda ee kala duwan oo Hotelka ku sugan.

Tirada Maleeshiyada Alshabaab ee Hotelka SYL gashay ayaa lagu sheegay ilaa 3, halka laba ka mida uu Boolisku sheegay in lagu dilay bannaanka hore e Hotelka, waxaana laga soo badbaadiyey Hotelka dad ku dhow 100 qof.

Video yar oo uu noo soo diray qof goob jooga ah ayaa wali waxa laga maqlayaa daryanka rasaasta ay isku addeegsanayaan ciidamada amaanka iyo malayshiyada al-shabaab ee weerarka hotelka kusoo qaaday.

Wariyaasha Tebiyenews ayaa ku hawlan soo gudbinta xogta dhabta ah ee ku saabaan wararka ka socda hotel SYL muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here