Madasha Xisbiyada Qaran ee ay hoggaamiyaan madaxweynayaashii hore ee dalka Shariif Sheekh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamud ayaa ka digtay xeer golaha wasiirrada ay maanta ka doodayaan oo uu soo diyaariyey Wasiirka Qorsheynta xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ku saabsan Xeerka Hay’adaha aan dowliga ahayn.
Xildhibaannada C/fataax Ismaciil Daahir iyo Axmed Macallin Fiqi ayaa War-Saxaafadeed kasoo baxay Madasha u akhriyey Warbaahinta, waxayna sheegeen in sharciga uu wasiirka Qorsheynta uga dan leeyahay inuu go’aan ka gaaro meesha iyo qaabka ay hay’adaha samafalka ku qeybinayaan gargaarka, kadibna uu dalka ka saaro hay’adihii rabitankiisa ka hor timaada, go’aankiisuna noqdo mid kama danbeysa ah.
HOOS KA DAAWO