(Daawo) Go’aamo waxtar u leh beesha Muddulood oo ka soo baxay shirkii maanta.

0
5

Beesha Muddulood oo beesha deggan Xamar iyo nawaaxigiisa ayaa la soo sheegayaa inay maanta ku qabteen shirweyne ay kaga tashanayaa ayaahooda. Guuda ahaan beeshaan waxay tahay beesha ay ku taagan tahay dowladnimada Somaliya, waana beesha weligeed dowlad ku hoos nooleyd, isla markaana bixiso canshuurta kaliya ee dalka oo dhan loo isticmaalo. Halka beelaha kale ay degaanadooda ku dhistaan wixii ay canshuur ahaan u qaadaan.

Ciidamada Xoogga Dalka, Boliiska, Asluubta iyo NISA ayaa waxaa laga biilaa cashuuraha laga qaado beeshan. Bilkasta waxaa degaanka Xamar ka soo baxda $15-20 MIlyan oo inta badan wax loogu qaban dadka degaanka ku nool, waxaana loogu sii daray in jid waliba laga xero oo ay xataa ganacsigooda u heli Karin dad u yimaada wax ka gata.

Kadib markii uu xanuunka soo karay ayey beesha u yeeratay siyaasiyiinteeda iyo cuqaasheeda waxaana si weyn la isula lafa guray sidii beesha ay ula sinmi lahayd beelaha Somaliyeed oo ay isku ayniga yihiin. Haddaba si taas loo gaaro waxaa ugu mudan oo lagu heshiiyey:

  1. In la kala saaro siyaasadda iyo dhaqanka
  2. In Imaamka, Ugaaska iyo Malaaqa ay hogaamiyaan dhammaan arrimaha dhaqanka loogana dambeeyo oo aa lagu faragelin, iyadoo waxyaabaha beelaha kale iyo beesha ka dhaxeeyaa ay iyagu yihiin cidda looga dambeynaya oo haddii hawl dhaqan ay soo baxdaa loo wareejinayo iyaga.
  3. In siyasadda looga dambeeyo siyaasiyiinta beesha, dhaqankuna uusan wax shaqo ah ku lahayn siyaasadda, kana geli Karin wax wada xaajood ah.
  4. In labada kooxba ciddi ku xadgudubta heshiiskaas go’aan wada jir ah laga qaato, lagalana noqdo masuliyadda loo igmaday.
  5. In duubnimada dhaqanka aysan ahayn shaqo, qofka hayaana uusan u isticmaali Karin si shakhsiyadeysan  ee ay tahay masuuliyad loo igmaday qofka ku magacaaban oo haddii uu ka soo bixi waayo ama si xun adeegsado lagala xisaabtamo, lagana qaato go’aan wada jir ah.
  6. In xelliga doorashooyinka qaranka ay dhacayaan in siyaasiyiintu ay mar waliba ku heshiyaan qof, haddii kale marka ugu dambeysa siyaasiga u muuqda inuu yahay ka codad badan ka helaya beelaha kale loo wareejiyo codadka guud ee beeshu haysato laguna kala baxaa cod dheeri ah.
  7. In loo dulqaadan gacan dhaafka, magac dilka iyo xinka hoose ee jufeysan inay saameyn ku yeeshaa masiirka beesha.

Qoddobadaan waxay u muuqadaan kuwa dalka iyo beeshaba u dan ah waxaana laga sugayaa in beesha muddulood ay fuliyaan wixii ay ku heshiiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here