Daawo Ciidamada Dowlada oo la wareegay dhamaan magaalada Guruceel

0
12

Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida ee Dowladda federaalka,ayaa dagaal Rogaal Celin ah oo ay dib usoo qadeen waxa ay kula wareegeen inta ugu badan goobihii galin kii hore ee maanta ay ka qabsadeen Ciidama katirsan Ahlusuna .

Warar hadda inaga soo gaaraya Magalada Gurceel Gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in ciidamada katirsan dowladda oo aad u hubeysan , markale ay dagaal kala wareegen Goobihii subuxnimadii hore kooxda Ahlusuna ay ka qabsadeen, kagadal kolkii muddo saacada gacanta ku hayeen goobahaasi ciidamada Ahlusuna.

Waxaa la xaqiijiyey in Ciidamada Dowlada hada Dhowr tilaabo u soo jiraan Saldhiga Guruceel, oo imanka gudaha ay ugu jiraan 9 nin oo katirsan suufiyada.

Magaalada Guruceel waxaa ka jira kala carar dhanka kale dadka geedanka ayaa ka qaxay goobaha iminka lagu dagalamaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here