Madaxweyne farmaajo ayaa aamin san wixii ka dhacay Baydhabo in ay eheed doorasho xur iyo xalaal ah.
Xadalkaan ayuu ku sheegey munaasabad u ekeed dhoola tus awoodeed oo lagu cabdsi gilinayey shucuubta koofur galbeed Soomaaliya waxaana loogu magac darey caleemo saar.
Dhimashadii iyo dhaawacii ka dhacey KGS weli kama hadlin hogaanka sare ee dalka.
Dad badan ayaa is wey diinaya sababta Madaxweyne Farmaajo shacabka KGS ugu geysanaayo Bahdilaad intaas le eg.
Buug uu qorey Farmaajo ayuu ku cadeeyey wuxuu ka aamin san yahay shacabka koonfur galbeed Soomaaliya.
Shacabka koonfur galbeed ayuu magacooda ku sheegey dhul “Raxaweyn waa dhul ee dad ma ahan” arintaas oo ula jeedo in dadka maayga ku hadla iyo dhuulkoodaba dhaxal u leeyihiin Beesha Farmaajo.
Farmaajo ayaa sidoo kale Buugiisa ku cadeeyey waxaa uu ka aaminsan yahay beelaha hawiye ” waxey dumiyeen dowladii ugu xooga Badneyd Afirika waana in gacan Bir ah lagu qabtaa, lana xasuuqaa hadii kale soomaaliya dowlad xoogle kama shaqeyn doonto” ayuu ku yiri bugiisa.
Hadaba Farmaajo maloo cafin doonaa xasuuqii uu Ka geystey mise maalin uun waa laga aari doonaa?
Waxaa hubaal ah in mar aan dhaweyn kasoo muuqan doono Farmaajo oo jeebeysan mid kamid ah maxkamadaha aduunka waxaana si loo dhadhan siiyo natiijada danbiga dagaal uu ka geystey soomaaliya oo dhan gaar ahaan Baydhabo.
Waxaa kale oo maalmahan socoda isbaheysi beelaha xoogan oo ka dhan ah madaweyne Farmaajo iyo beeshiisa kuwaas oo mar kale u muuqda in xukunka dalka xoog kula wareegaan sidii siyaad Barre.
Dadka udhuun doloola siyaasada soomaaliya ayaa ku fasirey habdhaqanka Farmaajo in dhul uraadinaayo beesha uu kasoo jeedo balse arintaas sababi doonto keliya in dhamaan soomaalida kasoo hor jeestaan dulmiga kutakfirka Shacabka falka awooda dowlada iyo in shacabka soomaaliyeed markale ka aamin baxaan magaca dowlada.
Danbi kasta uu geesto Farmaajo kuma ekaan doono isaga keliya ee wuxuu saameen aan wanaagsaneynnku yeelan doonaa Beeshiisa, Hadaba Maanta oo kela waa maalintii.
13-DECEMBER 2018 WAA MAALIN XINJIRO DHIIG AH LEH!!!
Waxey aheyd 10:30 mar qura ay hawada magaalada Baydhabo isu bedeshay ceyryaamo colaadeed xigteyna wadooyinka magaaladana ku daateen Xinjiro Dhiig ah taasoo socotey maalmaha 13, 14, iyo 15 waxaana Dimuqraadiyadii iyo Xuriyatul qowlkii lagu waraabiyay carunka Dhiiga, waxaana meesha ka baxey deganaanshihii iyo Nidaankii doorsahada xalaasha aheyd oo gabi ahaanba la xabaaley.
Dagaal mindhicir dhiigeedka lagu soo qaadey Xuriyatul qowlka waxaa hogaaminayay Keligii Taliye Farmaajo oo ah shaqsi u hamuun qaba inuu cabo Dhiiga dadka Reer K/Galbeed Soomaaliya.
Waxaase ayaandaro oo fajaciso dhaban hays badan nagu reebay in culamadii Soomaaliyeed ay wax kama jiraan soo qaadaan Dhimashadii 23 qof ee ku dhimatay magaalada Baydhabo Shuhadadii ku shahiiday dagaalka difaacada sharafta, karaamada iyo Xuriyatul qowlka ayaa magacayadooda na laga xusu karo Xildhibaan CABDISHAKUUR BUULE, CABDIRISAAQ XAAJI NUUNKKEY iyo kuwo kale oo badan ALLAH ha u Naxariistee shuhadadaasi.
Culamada kala ah Sheekh Bashiir Axmed Salaad, Sheekh Nuur Baaruud Gurxan, Sheekh Maxamed Cabdi Umal, Sheekh Cali Wajiis, Sheekh Soomow iyo kuwa kale ayaanba ka hadlin xasuuqii ka dhacay Magaalada Baydhabo 13/12/2018, iyadoo Culimadaasi caado u noqotay in marka Farmaajo wax laga sheego inay lasoo boodaan jawaab deg deg ah oo ku dhisan Hiilo Qabali ah iyo dano jeeb.
Sidoo kale qaar ka mid ah Odeyaasha dhaqanka iyo Xildhibaanada laga soo doorto ayagoo fiirinaya danahooda gaarka ah ka aamuseen, taa oo keentay inay kal fogaadaan ayaga iyo Shacabkii ay sheeganayeen inay matalaan taa oo meesha ka saareysa Nuxurka dowladnimo ee ku dhisan matalaad u wada dhexeysa shacabka iyo madaxdooda.
Hase yeeshee waxaa amaan iyo Bogaadin mudan Xisbiga Amni iyo Cadaalad iyo Hogaamiyahooda Sheekh Muqtaar Roobow Cali oo diiday inay shacabkooda iibiyaan gaashaankana u darooray lacago Laaluush ah oo loo soo bandhigay ayna usoo bandhigeen kooxda Nabad iyo Noolal.