Cumar Finish ” Waxaan ka digaynaa inay faraha ka baxdo la tacaalida Coronavirus

0
15

Gudodomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Finish ayaa ka digay inay faraha ka baxdo wax ka qabashada cudurka Coronavirus, kadib markii uu cudurka kusii faafay bulshada dhexdeeda, qofkii ugu horeeyayna uu u geeriyooday.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa sheegay dad uu garanayo oo gudaha Muqdisho ku nool in ay cudurka u geeriyoodeen, qaar kalena u jiifaan, waxaana uu sheegay inay muuqato inay dadku iska indho tireen qatarta cudurka.

“Waxaa niyad jab ah dadku inay weli aaminsan yihiin inuu cudurku yahay wax aan jirin. Waxaan u sheegaynaa dadweynaha in xanuunkii Muqdisho ku jiro oo ay muhiim tahay inaad guryihiina ku ekaataan, haddii kale xaaladda faraha ayay ka baxaysaa,”ayuu yidhi guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Dhinaca kale, xaaladda magaalada Muqdisho, ayaa ku jirta cabsi weyn oo ka dhalatay markii la shaaciyay in cudurka ku faafay bulshada dhexdeeda.

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa amartay inay la karantiilo dhammaan dadkii uu xidhiidhka la sameeyay bukaankii ugu horeeyay ee cudurka ugeeriyooday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here