Culimadda Soomaaliyeed oo digniin culus kasoo saartay qabyo tirka Dastuurka

0
5

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka ee Dowladda federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac ayaa Maanta furay shir wadatashi ah oo ku saabsan aragtida Culimaa’udiinka Soomaaliyeed ee dib u eegista Dastuurka Dalka.

Shirka oo ay ka qeybgaleen qaar kamid ah Culumaa’udiinka Soomaaliyeed ayaa waxaa lagu soo bandhigay halka uu marayo geeddi-socodka dib u eegista Dastuurka iyo qodobbada dib loo eegay, waxayna Culimada ka dhiibteen aragtiyadooda arrimahaasi ku aaddan.

Culimada shirka ka qeybgashay ayaa ka digay in qoondo hooseysa Dastuurka laga siiyo arrimaha muhiimka u ah ilaalinta Diinta Islaamka.Sanadkan 2019-ka, ayaa lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo sixitaanka, wax ku darka iyo wax ka beddelka qodobbada Dastuurka, sidii lagu go’aamiyay shirkii Muqdisho ka dhacay 2018-kii, waxana  door weyn ka qaadan doona Culimaa’udiinka Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here