Ciidankii ku dhawaacmay dagaalkii ay dowlada fedaraalka ku qaaday Magaalooyinka Balad-Xaaawo iyo Mandhera ayaa wali ku dayacan magalaada Buulo-Xaawo dhexdeeda, ka dib markii uu Farmaajo ku guul daraystay in uu halkaas diyaarad ka dajiyo diyaarad soo qaad dhaawaca.
Ciidankaan oo intooda badan laga soo qaaday magalaada Muqadisho ayaa eheladooda ku soo wacay qadka taleefanka u sheegayo in ay xaaladooda caafimaad ay khatar ku jirto halka ciidamo kale oo gaaraya afar oo dhaawac culus ka soo gaaray dagaalka ay xalay u dhinteen dhawaacyadaas.
Farmaajo ayaan marnaba ka fakarin uu dagaal galiyo dhalinyaro Soomaaliyeed iyaga oo aan haysan taakulayn ciidan oo diyaar u ah. Lama ogo marka ay u suuragalayso in dhaawacyadaas la keeno Muqadisho oo ah meesha kaliya ee loo qaadi karo.
