Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan Bakool

0
12

Ciidamada xoogga dalka  ayaaa waxaa ay howlgalo ka dhan Al-Shabaab ay ka sameeyeen deegaano ka tirsan gobolka bakool.

Ciidamada ayaa howlgalka waxaa ay kula wareegeen deegaanka Abaq-geedeey oo qiyaastii 20km dhanka Bari uga beegan Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Taliyaha Ciidamada guutada 9aad qeybta 60aad Muqtaar Maxamed C/llaahi Geeseey ayaa sheegay in Ciidanka ay howlgalka kula wareegeen deegaanka Abaq-geedeey oo qiyaastii 20km dhanka Bari uga beegan Magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Sidoo kale Taliyaha ayaa Waxaa uu sheegay  in deegaankaas uu saldhig  u ahaa Al-Shabaab,hayeeshee Ciidamada ay la wareegeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here