Ciidanka Jubbaland Oo Howlgal Ka Wada Duleedka Magaalada Kismaayo

0
6

Wararka Tebiyenews.com ee magaalada Muqdisho ay ka helayso deegaano duleedka ka ah magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in Ciidamada maamulka Jubbaland ay howlgallo kala duwan ka wadaan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka maamulka Jubbaland ayaa sheegay intii uu socday howlgalku in ay dagaal kala hor yimaadeen Alshabaab isla markaana dagaal saacado qaatay uu ka dhacay halkaas.

Howlgalka xooggiisa ayaa waxa uu ka socdaa deegaanka Baar Sanguuni ee dhaca duleedka magaalada Kismaayo halkaas oo saldhig weyn ay ku leeyihiin ciianka Jubbaland Alshabaabna ay weeraro ku soo qaadeen .

Deegaanka Baar-saanguuni ayaa qiyaastii 45- KM waxa uu u jiraan magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubaland waxaana weeraro ka geystay Alsabaab taas oo ay sheegeen Jubbaland in uu jawaab u yahay howlgalkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here