Ciidamada Dowlada faderalka somalia ee ku sugan gobolka galgaduud ayaa guulo ka sheegtay Howlgalo qorsheeysan oo ciidamada dowladu la sheegay in ay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolkaasi galgaduud
Wararka aanu ka helayno deegaanka war xoolo oo mid ah deeganada hoostaga degmada ceelbuur ee gobolka galgadud ayaa waxa ay ku so waramayaan in ciidamada dowlada ay la wareegen gacan ku heynta deegaanadaasi kadib markii xubno ka tirsan al shabab oo halkaasi ku sugnaa la sheegay in ay iskaga beexeen deegankaasi war xoolo iyo deegano kale oo dhaca gobolka galgaduud
Sarakiisha ciidamada dowlada ee hogaaminayay howlgaladaan ayaa waxa sheegeen in al shabab ay iskaga beexeen deeganka war xoolo kadib markii ay heleen xogta ciidamada dowlada iyo in halkaasi ay kuso wajahanyihiin wasida ay hadalka udhigeen saraakiisha ciidamada dowlada
Iyagoona tilmaamay in ciidamadu ay siwada doonan howlgalada ay ku baacsanayaan al shabaab
Wararka ayaa sidookle waxa ay sheegayaan in ciidamada dowlada ay gaareen deegaano kale oo dhaca gobolkaasi galgadud gaar ahaana deegaanada warar dhuuma iyo ceel god
Dhankale ma jirto wax war ah oo kaso baxay al shabab ee ku aadan howlgalkaan ciidamada dowlada ay ka fuliyeen deegaanka war xoolo
Sikastaba ha ahaatee ciidamada dowlada iyo Al- shabab ayaa inta badan waxa dagaal uu ku dhexmara deegaano dhaca gobolka gal gadud, Waxaana laba doodu ay guulo kala sheegtaan dagaaladaasi