Ciidanka Danab oo gacanta ku dhigay Macalin Bilaal Jeylaani Nuure & xubno kale (Sawirro)

0
10

Ciidamada Kumandoska Somalia ee Danab ayaa gacanta ku soo dhigay Saraakiil iyo dagaalyahano ka tirsan kooxda Al-shabaab oo ka howlgalayey degaano ka tirsan gobolka Sh/hoose.

Saraakiisha Ciidamada ayaa sheegay in ka dib howgal ka dhacay gobolka Sh/hoose ay gacanta ku soo dhigeen Taliyihii Sirdoonka Al-shabaab u qaabilsanaa gobolka Sh/hoose Macalin Bilaal Jeylaani Nuure iyo Cabdullaahi Maxamed Cabdi oo ka mid ahaa saraakiisha sar-sare ee Maxkamada Al-Shabaab ee gobolkaas.

Taliyaha Guutada 16-aad kumaandooska Xoogga dalka G/lle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa sheegay in xubnaha la soo qabtay oo gaarayo shan nin ay ciidanka ku wareejin doonaan heyadaha cadaalada DF, si dembiga ay ummada ka galeen looga abaal mariyo.

“Xubnahan waxay ka mid ahaayeen argagaxisadii dhibaatooyinka ka waday gobolka Sh/hoose, ILAAHAY mahadiis gacanta ciidanka xoogga dalka ayey hadda ku jiraan, kuwa kale oo baxsad ku jirana ciidamada ayaa daba taagan weyna soo qaban doonaan dhowaan” ayuu yiri taliyaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here