Ciidamo xirtay wadada u dhaxeysa Garoowe & Boosaaso

0
16

Wararka laga helayo Gobolka Bari ee Maamulka Puntland ayaa waxaa ay sheegayaan in Maanta wax Gaadiid ah uusan ka Shaqeyneyn Wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Garoowe iyo Boosaaso,kadib markii ay xirteen Ciidamo gadoodsan.

Ciidamada oo ka yimid deegaanka Carmo ee Gobolka Bari ayaa waxaa la sheegay in uu hoggaaminayo Sarkaal horey Ciidamo farabadan la soo galay Boosaaso kaas oo lagu Magacaabo Ciise Yulux.

Macada waxa rasmiga ah ee sababay in Ciidamadaan ay xirtaan wadada u dhaxeysa Garoowe iyo Boosaaso,waxaana lagu soo waramayaa in uu istaagay Isu socodka Boosaaso iyo Garoowe ,isla markaana Gaadiid farabadan uu ku xayiran yahay duleedka Magaalada Boosaaso.

16-kii Bishii November ee sanadkaan ayay aheyd markii Ciidamo isugu jira kuwa Daraawiishta Puntland iyo Maleeshiyaad uu hoggaaminayey Ciise Yulux ay ku dagaalameen Koontoroolka laga soo galo Magaalada Boosaaso walow markii dambe xiisad ka dhalatay dagaalkaas ay xaliyeen waxgaradka Gobolka Bari.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here