Ciidamo Itoobiyaan ah oo la wareegay Garoonka Doolow

0
12

Wararka naga soo gaaraya Garoonka Magaalada Doolow ee gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayaan in Ammaanka Garoonka ay la wareegeen Ciidamo Itoobiyaan ah.

Ciidankaan ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay Ciidamo ka tirsan dowladda oo bilooyin ka hor la geeyay gobolka Gedo.

Qaar ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in Ciidankan ay qeyb ka noqon doonaan Ciidamada sugi doona Ammaanka Dollow.

Ciidankaan ayaa la sheegay in ay shalay kasoo talaabeen xadka ay wadaagaan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay garoonka dollow uga la wareegtay Ciidanka maamulka Jubbaland kadib markii khilaaf uu soo gala dhex galay maamulka Jubbaland iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here