Ciidamo katirsan Meliteriga Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay diideen waddooyinka gala Xarunta Dalka looga arimiyo Ee Madaxtooyada Soomaaliya.
Askarta ayaa la sheegay in ay dibad bax iskugu yimaadeen Fagaaraha Daljirka Dahsoon Ee Magaalada Muqdisho.
Ciidanka ayaa la sheegay in ay ka cabanayaan mushaar la’aan xilli Baarlamaanka laga hor sheegay in Askarta Bil walbo lasiiyey Mushaarkooda.
Sawirro lasoo qaaday waxaa la arkayey Ciidamada oo celinaya Gaadiidka Qafilan ay isticmaalaan AMISOM.
Xaalada weli waa ay cakiran tahay,waxay Askarta diideen inay Gaadiidka usocda inay galaan Madaxtooyada Soomaaliya.