CIIDAMADA MILATERIGA EE KUSGAN KISMAAYO OO KA CABSI QABA IN HUBKA DHIGIS LAGU SAMEEYO

0
29

Madaxweynaha dowlada gobleedka  Jubbaland mudane  Axmed Madoobe ayaa laga soo waramayaa in xaruunta kumeel gaarka ah ee magaalada Kismaayo kulamo gooni gooni ah kula qaadanaayo saraakiil katirsan ciidamadii raaskanbooni ee isaga daacada u ahaa, wuxuuna kala Hadley sidii dowlada federalka ah looga hortagi lahaa qorshayaasheeda ay kudooneyso in ay isaga bedesho.

Saraakiil katirsan milateriga federalka soomaaliya qeybta 43-aad ee kusugan kismaayo ayaa sheegaya in ay ka cabsi qabaan in hubka dhigis lagu sameeyo maalmaha soosocoda, saraakiishaan oo magacooda qarieyey ayaa sheegey hadii ciidanka aminsom ee kismaayo kusugan garab ka helin ay adkaan doonto in ay sii joogaan deegaanada jubaland maadaama bey yiraahdeen Axmed madoobe qorsheynaayo hanaan logu beegsanaayo ciidamada dowlada federalka.

  Madaxweyne Axmed madoobe oo ah hogaamiye aad ugu wanaagsan dhanka ciidanka ayaa laga soo waramayaa in uu u diyaar garoobayo weerer kaga yimaada dowlada soomaliya waxaana lagu soo waramayaa in magaalada kismaayo gashey saan saan colaadeed walow ciidank amaanka jubaland heegan buuxa ay kujiraan.

Tan iyo markii uu bur burtey waan waantii dowlada federalka soomaaliya iyo jubaland ayaa waxaa soo ifbaxaayey hadalo aanu uwanaagsaneyn dhegaaha shacabka soomaaliyeed kaas oo kamuuqatey dhiillo colaadeed.

Lasoco wixii kasoo kordha xaladaha jubaland

Tebiyenews isha wararka daadsoon

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here