Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo ay wehlinayaan kuwo Dowladda Soomaaliya ayaa waxaa ay dhaq dhaqaaqyo iyo howlgallo ka wadaan deegaanka Shalaanbood ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo deegaannada ku dhow dhow.
Howlgalka ayaa yimid,kadib markii Gaadiid ay wateen Ciidamada AMISOM qaraxa lagula eegtay deegaanka Shalaanbood,sidoo kale dagaal kooban uu dhex-maray Ciidanka AMISOM iyo Xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Waxaa jira khasaaro kala duwan oo ka dhashay qaraxaas,waxaana dadka deegaanka Shalaanbood ay sheegeen inay maqlayeen dhawaqa qaraxa iyo rasaas ay siweeydaarsanayeen Ciidamada AMISOM iyo Al-Shabaab balse aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay.
Al-Shabaab ayaa dhankooda Warar lagu qoray Baraha Inteternet-ka ee taageera ayaa waxaa lagu sheegay in weerarkaasi qaraxa ahaa lagu gubay mid kamid ah Gaadiidka Ciidamada AMISOM.
Dadka deegaanka Shalaanbood oo hoostaga Magaalada Marka ayaa waxaa ay sheegeen in xalay Ciidamada AMISOM ay madaafiic ku garaaceen Xaafado ka tirsan deegaanka Shalaanbood Maantana ay ka wadaan howlgallo deegaanka iyo deegaannada ku dhow dhow.
Deegaanka Shalaanbood ee Gobolka Shabeella Hoose ayaa waxaa ku sugan Ciidamada Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM,waxaana mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Ururka Al-Shabaab, iyaga oo sidoo kale sameeya howlgallo kala duwan.